Isniin, July, 29 2019 (HOL)- Taliye ku xigeenka Booliska Puntland, Muxudiin Axmed Muuse oo maanta wariyeyaasha kula hadlay Garoowe ayaa shaaciyay amarro cusub oo amniga la xiriira.
Wuxuu sheegay in dhammaan gobollada Puntland la hakiyay isku socodka laga billaabo 31 bishan July, waxaa inta dheer in la mamnuucay hubka iyo gaadiidka la dhigayo goobaha ay bulshadu ku kullanto.
Amarradan ayaa looga dan leeyahay in lagu xoojiyo nabadgalyada deegaannada Puntland maalmaha loo dabaaldeggayo aasaaska Puntland oo hadda laga joogo muddo 21 sanno ah.
" Waxaan wargelinayna bulshada iyo gaadiidlayda in la xiray waddooyinka oo aysan jirin doonin gaadiid u kala socdaallaya gobollada ama soo galaya, laga billaabo 31 bishan." ayuu yiri taliye ku xigeenka Booliska.
"Sidoo kale waxaa la mamnuucay in hub lagu dhex qaato magaalooyinka, iyo in gaadiid la dhigto hareeraha waddooyinka iyo goobaha ay bulshada isugu imaanayaan." ayuu ku daray.
Dhammaaan deegaannada Puntland ayaa waxaa ka socda diyaar garow la xiriira xuska kowda bisha Agoosto oo ah xilligii la dhisay dowlad-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, iyada oo maamulka uu sheegay sannadkan si wayn in loogu dabaaldeggayo xuska.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]