4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka


Isniin, July, 29 2019 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta qaabilay wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka.

Wafdiga waxaa hoggaaminayay Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Agaasimaha Guud ee Waaxda Arrimaha Siyaasadda ee Ururka oo shalay soo gaaray caasimadda Muqdisho.

Wada-hadallo ay labada dhinac yeesheen ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga iyo iskuduwidda wadajirka ah ee dhinacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada iyo sidoo kale taageeridda dib u heshiisiinta qaran, la dagaalanka argagaxisada, dib u dhiska dalka iyo dadaalka Xukuumadda Federaalka ee deganaansho iyo nabadgelyo ku soo dabaalidda dalka.

Waxaa sidoo kale lagaga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gobolka iyo dunidda inteeda kale.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]