4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2019
Saraakiil lagu xiray magaalada Laascaanood

 

Isniin, July, 29, 2019 (HOL)-Ciidamada booliska gobolka Sool ayaa galinkii hore ee maanta xabsiga u taxaabay isuduwaha wasaarada gaadiidka C/khadar Maxamuud.

Isduwaha oo ku sugan xafiiskiisa ayay ciidamadu ugu yimaadeen iyadoo waxyeelo loo gaysta xafiiska iyo naftiisaba sida ay HOL uxaqiijiyeen dad ku sugnaa goobta, lama oga asbaabta kaliftay xadhiga .

Mas,uulinta amaanka gobolka wali wax jawaab ah kama bixin xadhiga lagula kacay Isuduwe C/khadar .

Waxaase loo malaynayaa in loo xidhay xisaabi xil maleh  iyadoo dhowaan dhawr sarkaal oo maaliyada ka tirsan sidaas oo kale loo xidhay.
 
Xidhiidho dhawra oo aan samaynay nooma suuragelin inaan xog dheeraad ah ka helo.
 
Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool.