4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2019
Madaxweyne Biixi oo cafis u fidiyey maxaabiistii budhcad badeed ahayd ee laga soo wareejiyey Jasiiradda Seychelles

 

Isniin,  July 29, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta 19 maxbuus oo u xidhnaa budhcad badeed cafis u fidiyey, waxaanay ahaayeen kuwii  laga soo wareejiyey dalka Seychelles ee u xidhnaa falalka budhcad badeednimadda.

Wareegtadda lagu siidaayey maxaabiistaasi ayaa u qornayds sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse biixi Cabdi Waxa Uu Wareegto Madaxweyne Oo Summaddeedu Tahay /JSL/XM/WM/222-350/072019 ,Uu Cafis U Fidiyey Maxaabiista laga soo wareejiyey Dalka Seycheles ee u xidhnaa falalka Budhcad-badeednimada .

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay: Xeerka Wareejinta Maxaabiista, Xeer Lr. 53/2012, Qodobkiisa 16aad iyo Qodobkiisa 20aad xubintiisa 2aad; oo dhigaya in Madaxweynuhu cafis u fidin karo maxaabiista laga soo wareejiyey Dal kale, si la mid ah awoodaha cafiska ee ku tilmaaman Qodobka 90aad, faqradiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Maxaabiista u xidhan falalka budhcad-badeednimo ee lagu soo xukumay dalka Seychelles ay Jamhuuriyadda Somaliland u aqbashay xabsi ku hayntoodu ay ahayd in ay ka qayb-qaadato dadaalladii Caalamiga ahaa ee la dagaalanka budhcad-badeedda, oo halis wayn ku hayay Bad-weynta Hindiya iyo Badda Cas;

Markaan Arkay Ujeeddada heshiiska Jamhuuriyadda Somaliland la gashay Dalka Seychelles ee soo wareejinta maxaabiista u dhalatay dalka Soomaaliya ay ku salaysnayd arrimo bani’aadannimo oo ay ka mid tahay in maxaabiiistu helaan dal ay bii’addiisa diin ahaan, dhaqan ahaan, iyo luuqad ahaanba fahmi karaan, loona soo dhaweeyo ehelladooda, maaddaama xaaladaha amni ee ka jiray dalkoodu aanay suurtagalinayn in loo wareejiyo xabsiyadooda;

Markaan Arkay; Maxaabiista u xidhan dambiyada budhcad-badeednimadu in muddadii ay ku jireen xabsiyada Jamhuuriyadda Somaliland loo sameeyay dhaqan-celin iyo toosin, taasina ay keentay in ay la yimaaddaan dhaqan iyo akhlaaq wanaagsan, kana tanaasulaan falalkii budcad-badeednimo;

Markaan Tixgaliyey: Codsiga Madax-dhaqameedka, waayeelka iyo ehellada maxaabiista budhcad-badeednimada u xidhan ee laga soo wareejiyey Dalka Seychelles;

Markaan Helay: Qoraalka soo-jeedinta Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/168/2019, kuna taariikhaysan 24/07/2019;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis gaara u fidiyo Maxaabiista laga soo wareejiyey Dalka Seycheles ee u xidhan falalka Budhcad-badeednimada, kuwaas oo kala ah:

1) Maxamed Axmed Ciise

2) Cadow Cali Cismaan

3) Cabdillaahi Yuusuf Xirsi

4) Axmed Cali Cismaan

5) Axmed Cali Siciid

6) Maxamed Axmed Cali

7) Bashiir Khaliif Xaashi

8) Cabdirisaaq Maxamed Cali

9) Cabdifataax Axmed Xasan

10) Nuur Maxamed Aadan

11) Jamaal Maxamed Cali

12) Cali Maxamed Cali

13) Cabdillaahi Maxamed Xasan

14) Cabdi Tahliil Xasan

15) Daahir Cabdillaahi Warsame

16) Cabdiqaadir Cabdi Cali

17) Cabdinuur Xaaji Aadan

18) Maxamed Maxamuud Xasan

19) Abuukar Axmed Ciise.”.

19 maxbuus ayaa ka soo jeeday Soomaaliya, waxaana xukuumadu sheegtay in mudadii ay xidhnaayeen loo sameeyey dhaqan celin iyo aqlaakh, sidaas darteed sidaas lagu cafiyey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.