3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2019
Maxkamadda Puntland oo xukun dil ah ku ridday askari ku eedeysnaa fududeynta dilka Paul Anthony


Isniin, July, 29, 2019 (HOL)- Maxkamadda ciidammada Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku ridday askari ku eedeysnaa inuu fududeeyay weerar lagu dilay bishii February ee sannadkan maareyihii ajanabiga ahaa ee dekedda Boosaaso,Paul Anthony Formosa.

Nin dhallinyaro ah oo hubeysan oo markii dambe dhaawac u geeriyooday ayaa toogasho ku dilay Paul Anthony Formosa, oo maareye uga ahaa shirkadda P&O ee dalka Imaaraadka Carabta dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Dable Cabdi Cali Xirsi , oo ka tirsanaa ciidammada badda ee Puntland ayay xeer beegtaddu sheegtay in uu dambiga ku cadaadey isla markaana lagu xukumay ciqaabta uu mudanyahay, balse wuxuu heystaa fursad uu racfaan uga qaadan karo xukunka dilka toogashada ah.

Xukunka ayaa yimid, maalmo yar un kaddib markii ay Puntland bayaan afka Ingiriiska ku qornaa ay ku shaacisay  in ay soo bandhigeyso baaritaanno madax bannaan oo ay ku samaysay cidda ka qaybqaadatay dilka maareyihii geeriyooday ee dekedda Boosaaso.

Maxkamadda ciidammada Puntland ee shanta gobol iyo denbiyada culus ayaa sidoo kale xukun ku ridday sagaal ruux oo loo heystay inay dilal ka fuliyeen deegaannada Puntland,iyadoo la soo bandhigay waxyaabaha Qarxa oo ay soo qabteen ciidammada nabad-sugidda Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
7/29/2019 12:33 PM EST
Isniin, July, 29 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo hoggaaminaya wafdi xildhibaanno ah ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

7/29/2019 12:15 PM EST
Isniin, July, 29 2019 (HOL)- Taliye ku xigeenka Booliska Puntland, Muxudiin Axmed Muuse oo maanta wariyeyaasha kula hadlay Garoowe ayaa shaaciyay amarro cusub oo amniga la xiriira.

7/29/2019 12:02 PM EST
Isniin, July, 29 2019 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta qaabilay wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka.

7/29/2019 10:59 AM EST
Isniin, July, 29, 2019 (HOL)-Ciidamada booliska gobolka Sool ayaa galinkii hore ee maanta xabsiga u taxaabay isuduwaha wasaarada gaadiidka C/khadar Maxamuud.

7/29/2019 10:54 AM EST
Isniin, July 29, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta 19 maxbuus oo u xidhnaa budhcad badeed cafis u fidiyey, waxaanay ahaayeen kuwii laga soo wareejiyey dalka Seychelles ee u xidhnaa falalka budhcad badeednimadda.

7/29/2019 10:49 AM EST
Isniin, July, 29, 2019 (HOL)-Dadka reer Jigjiga ayaa saaka u dareeray dhir beeris lagu beerayo dhir qaybo ka mid ah magaalada, waxayna dadku u dareereen goobaha la dhigay dhirta la beerayo oo ah maamulka xaafadaha magaalada Jigjiga.

7/29/2019 8:06 AM EST
Isniin, July, 29 2019 (HOL)-Lix ka tirsan ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo Ururka Al-shabaab ay ka geysteen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

7/29/2019 3:26 AM EST
Isniin, July, 29, 2019 (HOL)- Ugu yaraan saddex qof ayaa geeriyootay 11 kalana waa ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday goob lagu soo bandhigayay cuntooyinka oo ku taalla magalaada Gilroy ee gobolka Carlifonia ee dalka Mareykanka,sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.

7/29/2019 1:58 AM EST
Isniin, July, 29, 2019 (HOL)- War uu soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee qaarrada Africa (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.

7/29/2019 1:48 AM EST
Isniin, July, 29, 2019 (HOL)- Ugu yaraan 65 qof ayaa la sheegay iney dileen dableey looga shakiyey iney ka tirsan yihiin ururka Boko Haram oo rasaas ku furay dad aas ku guda jiray gobolka Borno oo ku yaalla waqooyi-bari ee dalka Nigeria.

7/29/2019 1:40 AM EST
Isniin, July, 29, 2019 (HOL)- Nabadoono dubab iyo Ugaasyo ka tirsan Beelaha Shanta Shanbaro ee gobolada Jubbooyinka ayaa shir Jara'id ku qabtay magaalada Columbus Ohio.

7/29/2019 1:33 AM EST
Isniin, July, 29, 2019 (HOL)- Magaalada Gaalkacyo waxaa ka soconaya kulamo ay halkaa ku leeyihiin guddiga dowladda Soomaaliya u saartay qaba-qaabada shirka Dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo oo ka wada hadlay ka qeybgalka shirka.