4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2019
Boko Haram oo waqooyiga Nigeria ku dilay dad ka badan 60 qof oo aas ku guda jiray

 

Isniin, July, 29, 2019 (HOL)- Ugu yaraan 65 qof ayaa la sheegay iney dileen dableey looga shakiyey iney ka tirsan yihiin ururka Boko Haram oo rasaas ku furay dad aas ku guda jiray gobolka Borno oo ku yaalla waqooyi-bari ee dalka Nigeria.

Dableeyda weerarka ka geystay tuulo ku dhow casimadda gobolka Borno ee Maiduguri, ayaa watay mootooyin iyo gawaari sida ay sheegeen dad dhacdadaasi goob joog u ahaa.

Tiro ka mid ah dadki aaskaasi ka qayb qaadanayey ayaa la sheegay iney halkaasi ku dhinteen, halka qaarkoodna ay u dhinteen iyaga oo isku dayaya iney ka hortagaan dableyda weerarka soo qaadday.

Bariyahan dambe waxaa gobolkaasi ku soo badanayey weerarrada ay geystaan kooxaha islaamiyiinta ee halkaa ka dagaallama.

Muhammed Bulama oo ka mid ah mas'uuliyiinta gobolka ayaa wuxuu sheegay weerarkan ugu dambeeyey iney Boko Haram u soo qaadday si ay ugu aarsato 11 dabley oo kooxdaasi ka tirsan oo tuulada ay weerarka ku soo qaadeen looga dilay laba toddobaad ka hor.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]