4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2019
Beelaha Shanta Shanbaro ee Jubbooyinka oo ka cabanaya Faragalin dhanka Oday dhaqameedkooda ah


Isniin, July, 29, 2019 (HOL)- Nabadoono dubab iyo Ugaasyo ka tirsan Beelaha Shanta Shanbaro ee gobolada Jubbooyinka ayaa shir Jara'id ku qabtay magaalada Columbus Ohio.

Waxgardkan Shanta shanbaro Ujeedka Kulankooda waxa uu daaranaa soo gudbinta tabashooyinkooda ku aadan isbadalka Jubbaland iyo doorashooyinka la galayo iyaga oo ka cabanaya in shaqsi aan ahayn Ugaaska Beelaha shanta Shanbaro loo igmaday in uu noqdo qofka soo xulaya xildhibaanada Beelaha Shanbaro.

Masuuliyiinta Maamulka Jubbaland, Waxgaradka, Odayaasha Beelaha, Ugaasyada, Nabadoonada, siyaasiyiinta iyo cid walba oo ku lug leh isbadalka Jubbaland waxa ay u soo jeediyeen in laga feejignaado waxa ka dhalan kara in Beelaha Nabadoonadooda, Ugaasyadooda, Duubabkooda iyo dhaqankooda la faro galiyo Taas oo wiiqi kart midnimada Beelaha iyo dadka deegaanka.

Waxay Baaq u direen gudiga doorashada Madaxweynaha hada haya Talada Maamulka Jubbaland iyo odayaasha dhaqanka in dib loo eego habka loo farogaliyay dhaqankii Beelaha shanta shanbaro iyo in dib u saxid dag dag ah la sameeyo.

Ugaasyada iyo Nabadoonada qabtay shirkan Jara'id oo qaarkood dhawaan dalkii ka soo laabtay ayaa Rajo xumo ka muujinaya hadii dhismaha Jubbaland loo sameeyo hab aan haboonayn oo ay ula jeedaan in dhaqanka soo xulaya xildhibaanada ay noqdaan kuwii saxda ahaa ee beelaha Shanta Shanbaro.

Dowlada Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo shacabka Jubbaland ba waxa ay ka codsadeen in Talada Beelaha Shanta Shanbar dib loogu soo celiyo Ugaasyadii iyo Nabadoonadi asalka u ahaa.

Qaarkamid ah waxgaradkan ayaa dhanka kale ku dheeraaday sida ay maamul iyo nidaam kasta oo soo maray Jubbaland ay ugu dulmanaayeen tan iyo wixii ka danbeeyay Burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya balse hada la soo gaaray waqtigii ay codkooda muujin lahayeen.

Xildhibaano federaal ah oo ka soo jeedo Beelahan iyo waxgarad kale ayaa xariir la sameeyay Maamulka Jubbaland iyo Dowlada Soomaaliya si wax looga qabto cabashadooda ayna rajaynayaan in la dhagaysto.

Cabashada Beelaha Shanta Shanbaro oo ka mid ah Beelaha daga Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe waxay ku soo aadaysaa xili la filayo in dhawaan ay qabsoonto doorashada Madaxnimada Jubbaland.

Deeqo Shire SONNA
Columbus Ohio