4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2019
Waxgaradka Gaalkacyo oo balanqaaday in ay ka qeyb-gali doonaan shirka Dib-u-heshiinta Dhuusa-Mareeb

 

Isniin, July, 29, 2019 (HOL)- Magaalada Gaalkacyo waxaa ka soconaya kulamo ay halkaa ku leeyihiin guddiga dowladda Soomaaliya u saartay qaba-qaabada shirka Dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo oo ka wada hadlay ka qeybgalka shirka.

Kulan ballaaran oo dhaxmaray guddigga iyo qeybaha bulshada Gaalkacyo ayaa ugu danbeyntii leysku afgartay in laga qeybgalo shirka lagu wado in 5ta bisha Agosto uu ka furmo degmada Dhuusa-Mareeb.

Xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta oo bulshada Gaalkacyo uga mahad celiyey soo dhaweynta iyo marti-gelinta heerkoodu sarreeyo ayaa u bandhigay qorshaha iyo casuumaadda shir-weynaha dib-u heshiisiinta Galmudug ee gogoshiisu taallo xarunta dowlad gobaleedka Galmudug ee Dhusamareeb.

Guddigga ayaa ka hor inta aysan Gaalkacyo tagin soo maray deegannada Xeraale Huurshe, Balanbal iyo Caabuud-Waaq, dhammaan deegaannadii ay tageenna waxaa ay la wadaageen qorshaha ay wadaan, waxaana qorshohoodu yahay in ay maraan dhammaan deegaannada Galmudug si ay bulshada ula wadaagaan casuumaadda gogosha dib-u-heshiisiineed.

Inkastoo guddiga loo balanqaaday ka qeybgalka shirka Dib-u-heshiisiinta Dhuusa-Mareeb,haddana wali waxaa jira in beelluhu ku kala aragti duwan yihiin qorshaha shirka iyo qeyb-galkiisa intaba, waxaana muuqata in guddigu ku dadaalayo sidii bulshada Galmudug looga qanci lahaa aragtida qabaan kulanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]