3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2019
Wasiir Cawad oo su'aal laga weydiiyay eedeyntii Argagixiso ee loo jeediyay dowladda Qatar



Axad, July, 28, 2019 (HOL)-Guddiga Arrimaha Dibadda Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay maanta Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa su'aal ka weydiiyay eedeyntii dhawaan loo jeediyay dowladda Qatar.

Kulanka guddiga iyo Wasiirka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayuu guddigu weydiiyay Wasiirka Su'aalo dhowr oo la xiriira howlaha Wasaarradda sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga Cabduqaadir Cosoble Cali .

Guddoomiyaha ayaa sheegaya in Wasiir Cawad uu  uga jawaabay su'aasha la weydiiyay in dowladda Qatar iska fogeysay eedeynta loo jeediyay ee ah in ay ku lug lahaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Qatar qaraxyo  iyo weerarro ka dhacay magaalada Boosaaso.

''Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda Qatar inkirtay eedeynta lagu dabacay Wargeyska New York Times, laakiin guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabku wuxuu u arkaan arintan eedeyn culus oo xukuumadda looga dhiyo in ay u sameyso baaritaan qoto dheer'' ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.

Dowladda Qatar ayaa horay ugu tilmaamtay eedeynta loo jeediyay mid aan sal iyo raad toona laheyn, islamarkaana Qatar marnaba khatar ku aheyn Amniga gudaha dalka Soomaaiya, taa badalkeedana ka shaqeynayaa sidii gacan hormarineed loo siin lahaa dowladda Soomaaliya. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    
 

 













Click here
7/28/2019 3:07 PM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Wasiir ku xigeenka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mohamud Abdikadir Hilaal ayaa kulan cashaa xalay la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Columbus Ohio .

7/28/2019 12:49 PM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Guddi uu ra'iisul wasaare ku-xigeenka u magacaabay maareynta qaraxii ka dhacday xarunta gobolka Banaadir iyo sidii gurmad deg-deg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada ka dhashay qaraxa, ayaa bulshada Soomaaliyeed la wadaagay warbixin hor-dhac ah oo ku saabsan wax-yaabiihii u qabsoomay labadii maalmood ee la soo dhaafay.

7/28/2019 12:31 PM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shir guddoomiyey shirka amniga Puntland oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada Garoowe waxaa qayb ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

7/28/2019 9:01 AM EST
Axad, July 28, 2019 (HOL – Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa oo uu hoggaaminayo wakiilka gaar ah ee xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador James Swan.

7/28/2019 8:16 AM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobey ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan (WFP) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Cesar Arroyo.

7/28/2019 4:56 AM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Dowladda Masar oo si adag u cambaareysay weerar toddobaadkii hore ka dhacay gudaha dhismaha xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, ayaa ballanqaaday inay gacan ka siinayso dowladda sida ay ugu guuleysan lahayd dagaalka ka dhanka ah wax loogu yeeray 'xagjirka'.

7/28/2019 4:48 AM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxda ugu sareysa Ahlu Sunna Waljameeca ka biyo -diidan yihiin qorshe dowladda federaalka Soomaaliya kula wareegeyso Amniga degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug.

7/28/2019 4:22 AM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)-Sanad kasta maanta oo kale ayaa laga maamuusaa dunida oo idil maalintta khatarta cudurka Cagarshowga oo ka mid ah cudurrad halista ah ee ku dhaca Aadanaha.

7/28/2019 4:14 AM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ah oo xarunta gobolka Banaadir ka dhacay Arbacadii toddobaadkii hore ayaa markii ugu horreysay war laga soo saaray.

7/28/2019 1:54 AM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in diyaaradaha Mareykanka duqeyn ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama ee ka dagaalama qeybo ka mid ah gobolka.

7/28/2019 1:37 AM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Hay,ada UNHCR Xafiiskeeda Dadaab ayaa soo saartay warbixin ay uga hadlayso xaladaha Qaxotiga Dadaab iyo tirada Dadka halkaas ku nool oo hoos u dhacday oo ay gaartay meeshii ugu hooseysay abid.

7/28/2019 1:28 AM EST
Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray digniin loo dirayo Ergadii soo dooratay Xildhibaannada golaha Shacabka oo ay dhawaan u yeereen Al-Shabaab.