4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2019
Khilaaf ka taagan sugida Amniga degmada Dhuusa-Mareeb

 

Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxda ugu sareysa Ahlu Sunna Waljameeca ka biyo -diidan yihiin qorshe dowladda federaalka Soomaaliya kula wareegeyso Amniga degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug.

Waxaa dib uga soo noqday degmada Dhuusa-Mareeb diyaarado la sheegay in ay la socdeen ciidamo dowladda Soomaaliya ay ka qaaday magaalada Muqdisho, kuwaa loogu talagalay in ka qeybqaataan sugida Amniga degmada Dhuusa-Mareeb oo dhawaan la filayo in uu ka furmo shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug.

Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa laga soo xigtay qaarkood in ciidamadan qeyb ka aheyn heshiiskii Qarrameynta ciidamada oo ay la gaareen ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo wali ku sugan degmada Dhuusa-Mareeb.

Kulamo arrintan la xirira ayaa saacadihii ugu danbeeyayba ka soconayay degmada Dhuusa-Mareeb, waxaana wararku sheegayaan in wali aan wax is afgarad ah laga gaarin qaabka sugida Amniga Dhuusa-Mareeb oo saraakiisha Ahlu Sunna doonayaa in loo daayo ciidamadii horay u sii joogay deegaanka.

Caqabadan soo ifbaxday ayaa culeys hor leh ku keeni karta hannaanka dhismaha dowlad gobolleedka Galmudug iyo shirka dib-u-heshiisiinta qorshuhu yahay in dhawaan uu halkaa ka furmo, iyadoo horay ay uga biyo diideen qorshaha ra'iisal wasaaraha ee dhismaha Galmudug odayaasha degmooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]