4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2019
Xaaladda guddoomiyaha gobolka Banaadir oo war laga soo saaray

Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ah oo xarunta gobolka Banaadir ka dhacay Arbacadii toddobaadkii hore ayaa markii ugu horreysay war laga soo saaray.

Dhaawacyo uu ka mid ahaa guddoomiyaha ayaa lagu dabiibaya isbitaal ku yaalla magaalada Doxa ee xarunta dalka Qadar.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qatar Amb. Cabdirisaaq Faarax Cali Taano oo la hadlay telefishinka maxalliga ah ee Universal ayaa sheegay guddoomiyaha iyo dhaawacyada kale inay xaaladooda soo hagaageyso marba marka ka dambeysa, wuxuu inta ku daray in xaaladda guddoomiye Yariisow ay soo fiicnaaneyso, isla markaana dalka Qadar ay ku filan tahay daaweyntooda iyo baxnaanintooda xaaladda dhaawacyada oo aan baahi meel kale oo loo aadi doono aysan jirin.

Waxaa uu sheegay in dhammaan dhaawacyada ay ku jiraan Isbitaalka weyn ee Hamad, si wanaagsan ay dhakhaatiirta ula tacaalayaan, isla markaana ay dhaqaatiirta ay muujinayaanmas’uuliyad weyn oo xilkasnimo leh.

"Xaaladiisa aad ayay u soo hagaageysa, markii diyaarada lagu keenayay halkaan Doxa si fiican looma garan karin, hada waa qof neefsanaya oo dhaq dhaqaaq sameynaya wax badan muuqaalkiisa waa soo laabtay, waxaa u yimid xaaskiisa iyo carruurtiisa aad ayay ugu faraxsanaayeen sida loola tacaalayay."ayuu yiri Safiirka.

Gabagabadii, wuxuu sheegay in markii la keenay Doxa laga saaray saddex firir oo caloosha ka galay, xaalkiisa uu fiican yahay, balse ay sugayaan jawaabta dhaawaca madaxa inta ay la egtahay oo firir ku jiro, isla markaana dhaqaatiirta ay gelinka dambe ee maanta war ka sugayaan, wixii talo ee ay soo jeediyaan ay arki doonaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]