4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2019
Sarkaal ka tirsan Ururka Al-shabaab oo duqeyn lagu dilay qeybo ka mid ah gobolka Bari

 

Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in diyaaradaha Mareykanka duqeyn ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama ee ka dagaalama qeybo ka mid ah gobolka.

Duqeynta oo dhacday July 27, 2019,ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay mid ka mid ah Saraakiisha Al-Shabaab oo ku sugnaa Buuraleyda Golis.

Sidoo kale duqeyntani ayaa la sheegay in aysan jirin wax khasaaro ah oo shacabka ka soo gaaray.

Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in ay xoojisay duqeynta ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan degaano ka mid ah Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamul gobolleedka Puntland oo la xiriira duqeynta la sheegay in lagu beegsaday xubnaha ka tirsan Ururka Al-shabaab ee ku sugan gobolka Bari.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]