4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2019
Ergadii soo dooratay xildhibaannada Federaalka oo looga digay in ay u hoggaansamaan awaamiirta Al-shabaab

 

Axad, July, 28, 2019 (HOL)- Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray digniin loo dirayo Ergadii soo dooratay Xildhibaannada golaha Shacabka oo ay dhawaan u yeereen Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta Booliiska Koonfur Galbeed Col Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in Amarka kasoo baxay Al-Shabaab ay ka leeyihiin laba u jeedo oo kala ah inay lacag farabadan ka qaadaan odayaasha ama ay weeydiiyaan in uu iibiyaan hub ay ku dagaalamaan.

‘’Cid kasta oo u tagta Al-shabaab, waxaan leenahay waa Al-shabaab, maaamulkana wuxuu ka qaadi doonaa talaabada ku haboon ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha ayaa sheegay in ergada qaarkood ay qaateen amarkii Al-Shabaab oo ay tageen deegaanadooda kuwo kalena ay amarkaas diideen,waxaana uu sheegay in qof alaala qofkii qaata Amarka Al-Shabaab ay Xabsiga dhigi doonaan,isla markaana tallaabo ay ka qaadayaan.

Ergadii soo dooratay xildhibaannada Golaha Shacabka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa xilligaan waxaa ay wajahayaan culeyso waaweyn, iyada oo hanjabaad ay uga kala imaanayaan Dowladda Federaalka iyo Ururka Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]