4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2019
Ciidamada Militeriga Somaliland iyo Ciidanka jabhadda Caare oo dagaal ku dhexmaray gobolka Sanaag

 

Sabti, July, 27, 2019 (HOL)-Dagaal aan wali la shaacin khasaarihiisa ayaa saakay ka dhacay gobolka Sanaag, gaar ahaan buurta Tabca, kuwaas oo ku dhexmaray ciidanka Somaliland iyo jabhadda Col:Caare hogaaminayo.

Wada hadal u socday labadda dhinac oo baryahanba ay odayaal iskaga dab qaadayeen kooxdan Caare iyo xukuumada, hasse ahaatee shalay iyo maanta ayey labada ciidan is weerareen, inkastoon la sheegin cida weerarka qaaday iyo khasaaraha soo kala gaadhay labadda dhinac.

Ciidamada Caarre hogaaminayo ayaa doonayey in ay dhufays ka dhigteen buurta Tabca oo ah meel istaraaji ku ah dagaalada, halka ciidanka Somaliland diidan yihiin inay buurtaasi ku ruqaansdan, taas ayaa sababtay in dagaal saaka ka qarxo.

Madaxweynaha Somaliland iyo labada xisbi mucaarad ayaa ka hadlay shaqaaqada saaka ka dhacday gobolka Sanaag, waxaanay sheegeen in lagu jiro sidii loo soo afjari lahaa, waxaanay ugu baaqeen Col Caare inuu nabadda qaato oo la soo dhameeyo khilaafka halkaasi ka jira.

“shaqaaqadan ka taagan Sanaag,way dhamaan doonta oo nabad bay ku dhamaan doontaa, wax waliba muddo ayuu leeyahay, qof kasta waa la dhagaystaa nabadu way daal badan tahay oo wakhti bay qaadataa, hadhowna taladu iyadoo bislaatay ayey soo go’aysaa, wax warwar ah oo weyn oo halkaasi ka jiraa ma jiro, waa lagu dhan yahay odayaal iyo dawlad iyo ciidanba, waa laga midaysan yahay in arintaasi nabad ku dhamato”ayuu yidhi madaxweyne Biixi oo dagaalkii saaka ka hadlayey.

Waxaanu intaas ku daray “Annagu xukuumad ahaan, annaga oo aan sharciga dalkana ku xad-gudbaynin waxannu diyaar u nahay in wax kasta oo xaggayaga dulqaad, qaboojin iyo gacan walaaltinimo ahba aannu u fudinno oo dabcinno kaliya wixii sharci ah ee aan la dhaafi karaynin mooyaane,”.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay u dulqaadanayaan si wal oo nabad lagu heli lahaa, isla markaana lagu soo afjari lahaa shaqaaqooyinka ka jira gobolka Sanaag.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland