4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2019
Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir oo la fasaxay kaddib weerarkii Arbacadii



Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay in la fasaxay dhammaan shaqaalaha xarunta gobolka Banaadir,iyada oo muddada fasaxa albaabada loo xiri doono dhammaan xafiisyada xarunta gobolka.

Afhayeenka gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) oo suxufiyiinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Shaqaalaha gobolka la fasaxay muddo saddex maalmood  ah.

Fasaxa ayaa ka dambeeyay,kaddib markii Arbacadii toddobaadii hore weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay hool uu shir uga socday mas'uuliyiinta gobolka Banaadir oo ku dhexyaalla xarunta gobolka.

Weerarka illaa toddobo qof oo dhammaantood mas'uuliyiin ah ayaa ku geeriyooday, halka tiro kale oo uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka ahna duqa caasimadda Muqdisho, Cabdiraxmaan Yariisow uu ku dhaawacmay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerarka, iyada oo aysan wali hay'adaha ammaanka soo bandhigin natiijada baaritaanno la xiriira weerarka, oo ilaa hadda aysan caddeyn sida uu u dhacay.



Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]