4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2019
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo tabbabar u furay tabbabaraayasha macallimiinta Qaranka


Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Tababarka ayaa loo furay in kabadan 100 macallin oo loogu talagay in ay sii tababaraan macallimiinta iskuullada gobalka Banaadir .

Tababarka macallimiinta oo socon doona muddo 10 maalmooda ayaa waxaa bixin doona aqoon-yahanno qibrad dheer u leh tababarka macallimiinta dugsiyada waxana lagu tababari doonaa macallimiinta manhajka ay diyaarisay wasaaradda waxabarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in macallimiinta lagu tababarayo manhajka fasalka koowaad illaa fasalka siddeedaad si manhajka ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya loo gaarsiiyo dalka oo dhan .

"Maanta waxaan furay tababarka tababarayaasha macallimiinta Qaraanka oo ahmiyad gaar ah u leh horumarinta waxbarashada dalka,Manhajka lagu tababarayo macallimiinta waxa uu qeyb weyn ka qaadanayaa tayada waxbarashada soomaaliyeed, tayado waxbarashada waxa ay ka koobantahay sadax tiir,oo kala ah tiirka koobaad waa macallinka ,tiirka labaad waa manhajka, balse waa in lahelaa kormeer adag oo hubiya si loo ogaado in manhajkii iyo macallinkii ay si wanaagsan iskula taaba qaadeen, dugsikasta iyo hay'ad kasta waxaa qasab ku ah in Fasalka koobaad ilaa fasalka sideedaad in uu isticmaalo manhajka ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada.." ayuu yiri wasiirka waxbarashada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]