4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida madaxweynihii dalka Tunisa

Sabti, July, 27, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhambaal u diray dowladda iyo shacabka dalka Tuunis ,isagoo uga tacsiyeeyay geerida ku timi madaxweynihii dalkaas, Muxammad Al-Baaji Qaa’id as-Sibsi,sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA.

"Waxa na soo gaaray warka naxdinta leh ee dhimashada madaxweynihii dalka aan walaalaha nahay ee Tuunis Mudane Muxammad Al-Baaji Qaa’id as-Sibsi oo geeriyooday aroortii Khamiista, 25-kii bisha Luuliyo 2019. Waxaan Dowladda, qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka Tuunis ee aan walaalaha nahay u dirayaa tacsi tiiraanyo leh." ayaa lagu yiri qoraalka ay baahisay wakaaladda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuum Muxammad Al-Baaji Alle uga baryey inuu u danbi dhaafo, kuna abaalmariyo jannooyinkiisa, isaga oo qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka reer Tuunisna u rajeeyay sabar iyo iimaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]