4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2019
Wasiir Beyle oo la kulmay qurba-joogta Soomaaliyeed ee Washington


Sabti, July, 27, 2019 (HOL)-  Wasiirka Wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya,Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo booqasho howleed ku jooga dalka Maraykanka ayaa qurba-joogta Soomaaliyeed kula kulmay magaalada Washington DC, isagoo faah-faahin ka bixiyay dadaallada  dhaqaale ee ay dowladdu gaadhay iyo waxyaabaha la tiigsanayo.

"Sharaf ayay iitahay in aan khudbad muhiim ah ka jeediyo shirka Qurba-Joogta Soomaaliyeed ee Magaalada  Washington oo aan u faa- faahiyay guulaha dhaqaale ee aan gaarnay iyo inta weli aan tiigsaneyno ku guuleysigooda." ayuu yiri wasiir Beyele.

Wasiir Beyle, wuxuu qurba-joogta Soomaaliyeed ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen iyo dhaqaalaha ay soo diraan , taas oo wax badan ka qabatay baahiyaha qaar ee dalka ka jira, wuxuuna intaa ku daray in looga baahan yahay wax qabad intaa kasii badan.

Wuxuu sheegay  in aysan jirin cid marti ka ah horumarka Soomaaliya qurba joog iyo dal joog intuba, wuxuuna faray in si wada jir ah looga wada shaqeeyo dhismaha dalka.

"Horumarka Soomaaliya cid marti ka ah ma jirto qurbe ama kuwa Dalka jooga, waa inaan wadajir uga wada shaqeynaa, Dalkasta Dadkiisa ayaa dhisa, Soomaaliya Soomaali uunbaa dhisi karta." ayuu raaciyay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]