Sabti, July, 27, 2019 (HOL)- Gen. Stephen J. Townsend, ayaa lagu wadaa in uu maanta si rasmi ah ula
wareego howlgalka ciidamada Mareykanka ee Africom , isaga oo badallaya Jeneral
Thomas David Waldhauser oo muddo saddex sano soo hoggaaminayay howlgalka.
Gen. Stephen J. Townsend ayaa waxaa horyaalla
Caqabado waa weyn oo ay ka mid yihiin dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish ee
Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ay xoojin doonaan dagaalka Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in aan Duqeyn Diyaaradeed oo
keliya looga guuleysan karin Hawlgalladda ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-shabaab,
,islamarkaana uu xoojin doono howlgalka dhanka lugta ah.
Jeneralka xilka ka degaya oo 66-jir ah waxaa uu howlgalka
ciidamada ku soo biiray sannadkii 1976-dii, isagoo ka tirsanaa Ciiddanka
Mariniska ee dalkaasi, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Talisyadda
Milliteriga Maraykanka, isagoo ka qeyb galay Hawlgalo Milliteri ee xilka looga
tuuray Madaxweynihii hore ee dalka Iraq, Marxuum Saddaam Xuseen.
Taliyaha cusub ayaa ugu danbeyntii sheegay sheegay
in duqeynta ciidamada ay tahay in si taxadar leh loo fuliyo oo laga fogaado in
ay waxyeelo ka soo gaarto dadka rayidka ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]