4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2019
Eng. Yariisow iyo mas'uuliyiin kale oo dhaawacooda dalka dibaddiisa loo qaaday


Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)-  Ku dhowaad toban ruux oo uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho ,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ku dhaawacmay weerar galinkii dambe ee Arbacadii lagu qaadday xarunta gobolka ayaa maanta dalka dibadiisa loo qaaday.

Dhaawacan ayaa diyaarad laga leeyahay Qatar ay u qaaday magaalada Dooxa, dad kale oo ku dhaawacmay Qaraxii Isniinti ka dhacay Isgoyska KM4 iyo qaraxyo hore ayay sidoo kale diyaaradda qaaday.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ay weheliyaan, xildhibaanno labada kale , mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay wakiilka Midowga Afrika ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku sii sagootiyay dhaawaca guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka ee dhaawacyadooda loo qaaday dibadda.

Guddi loo xilsaaray taakuleynta dadkii ku dhaawacmay qarixii xarunta gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waheliyay dhaawacyada dalka dibadiisa loo qaaday, waxaana xubnaha ka mid ahayd wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha ,Khadiijo Maxamed Diiriye.

Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Xassan Cumar ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay inay wanagsantahay xaaladda guddoomiyaha gobolka, marka loo eego sida uu sheegay xaaladdii uu ku jiray xilliga uu dhaawaca gaaray.

Weerarka ka dhacay xarunta gobolka Banaadir oo ay ku dhinteen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, waxaa mas'uuliyadiisa sheegtay ururka Al-Shabaab, iyadoo wali hay'adaha ammaanka ee dowladda ay sheegayaan inay ku jiraan baaritaan la xiriira sida uu weerar uga dhacay xarunta gobolka oo ka mid ah goobaha sida aadka amnigooda loo ilaaliyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]