4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2019
Jubbaland oo hakisay wada shaqeynta iyo isku socodka xukuumadda federaalka

Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)-  Golaha wasiirrada Jubbaland oo maanta ku shiray magaalada Kismaayo ayaa isla qaatay in la hakiso wadashaqeynta iyo isku socodka Jubbaland iyo xukuumadda federaaalka.

Kullankan oo uu guddoomiyay madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa ka mid ah kullamadii toddobaad lahaa ahaa ee golaha wasiirrada maamulka.

"Waxaa golahu dood dheer ka yeeshay farogalinta qaawan ee dowlada Federaalku ku hayso hannaanka doorashooyinka Jubbaland iyo khalkhalgalinta joogtada ah waxaana golahu uu soo saaray in la hakiyay maanta laga billaabo wada shaqaynta iyo isku socodka Xukuumada Federaalka ah iyo Jubbaland go’aankaas ayay golahu gacan taag ku meel mariyeen." ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulanka golaha wasiirrada.

Golaha wasiirrada Jubbaland ayaa tacsi u diray Ehelada dadkii ku dhintay weerarkii ee ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ,waxaa ay Allah uga baryayaan caafimaad taam ah dadkii halkaas ku dhaawacmay.

Waxaa kale oo kulanka maanta looga hadlay xaaladaha ammaanka Jubbaland wakhtiga doorashooyinka waxaana golahu uu sheegay in hay’adaha ammaanku ay si adag u sugaan nabadgalyadda muddada lagu jiro howlaha doorashooyinka si baa la yiri 'looga hortago isku dayada argagixisadu ku doonayso dhibaataynta shacabka'.

Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa isku khilaafsan hannaanka ay u dhaceyso doorashada, waxaana sidoo kale diidday hannaanka doorashada musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Jubbaland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]