4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2019
Ra'iisul wasaaraha cusub ee Ingiriiska oo walaalkiis ku soo daray xukuumadda

Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)-  Ra'iisul wasaaraha dalka Ingiriiska, Boris Johnson ayaa golihiisa wasiirrada ku soo daray nin ay walaalo yihiin, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Boris ayaa walaalkii oo lagu magacaabo Jo Johnson u magacaabay wasiir dowlaha wasaaradda ganacsiga, tamarta, warshadaha iyo waxbarashada ee dalka Britain.

Ra'iisul wasaaraha cusub oo soo hadal qaaday dadaallada ku aaddan Ingiriiska inuu ka baxo Midowga Yurub ayaa golaha uu soo dhisay waxaa mar horaba lagu tilmaamay kuwa isaga la aragti ah oo taageersan arrinta ku aadan in Ingiriiska uu ka baxo Midowga Yurub.

Boris Johnson ayaa waxaa uu ballan qaaday in Britain ay ka bixi doonto Midowga Yurub dabayaaqada bisha Oktoobar ee sannadkan xitaa haddii aan wax heshiis ah lala gelin Midowga Yurub.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]