4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2019
Jubbaland oo qabatay xubno Ajaanib ah oo ka tirsan Ururka Al-shabaab

 

Khamiis, July, 25, 2019 (HOL)- Saraakiisha hay’addaha Amaanka dowlad gobolleedka Jubbalad ayaa warbaahinta u soo bandhiga saddex ruux oo Ajnabi ah oo sida ay sheegeen ka tirsan Ururka Al-shabaab

Raggan oo la sheegay in ay u dhasheen dalka Tanzania ayeey saraakiishu sheegeen in lagu soo qabtay howlgal ciidamada ay ka sameeyeen degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Maamulka Jubbaland faah faahin intaasi dheer ah ma bixin ee ku saabsan rgga Ajaanibta ah oo ay sheegeen in ay la shaqeynayeen Al-Shabaab gacantana ku dhiggeen,waxaa sidoo kale ka hadlin Al-shabaab oo la sheegay inay ka tirsanaayeen.

Gobolka Jubbada Hoose waxaa uu ka mid yahay gobollada Koonfurta Soomaaliya oo ay awooda badan ku leeyihiin xoogagga Ururka Al-shabaab oo weerarro Ismiidaamin ah kuwa toos ahba ku qaaday ciidamada dowladda, Jubbaland iyo kuwa howlgalka AMISOM ee deegaannadaaa ku sugan.

 

Dhawaan ayeey aheyd markii weerar lagu qaaday hoteel ku yaala magaalada Kismaayo oo ay ku dhinteen dad ka badan 26 ruux, kuwaa isugu jiray siyaasiyiin, ganacsato iyo waliba dad bulshada dhaxdeeda magac ku lahaa oo ay ka mid ahaayeen wariyayaal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]