4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2019
Guddoomiyayaal ku dhintay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir

 

Arbaco, July, 24, 2019, (HOL) -Waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan weerarka Ismiidaamin ah oo ka dhacay gudaha Aqalka dowladda Hoose ee Xamar gaar ahaan goob uu ka socday shir looga hadlayay Amniga.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Qaraxa ay ku dhinteen qaar ka mid ah guddoomiyayaasha gobolka Banaadir, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen qaar kale oo badan oo dhamaantood qeyb ka ahaa kulanka looga hadlayay Amniga oo uu shir guddoominayay Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

Qaraxan ayaa la xaqiijinayaa in ay ku dhinteen guddoomiyihii degmada Cabdicasiis Sabax Asad iyo guddoomiyihii degmada Waabari Mahad Cilmi

Dadka ku dhaawacmay qaraxan ayaa intooda badan loo qaaday Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ah guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Yariisoow oo dhawac culus uu soo gaaray.

Hadba wixii ka soo kordha wararka qaraxan ku saabsan waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]