4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2019
Mid ka mid ah beellaha dega Galmudug oo baaq ka soo saaray kulan ay ku yeesheen magaalada Toronto

 

Arbaco, July, 24, 2019 (HOL)-Hotelka Shareton, ee Magaalada Toronto ee Dalka Canada, waxa Shir Ja'raaid ku qabtay mid kamida Beelah Somaliyeed ee degaanka Galmudug, Beeshani  ayaa ka kala yimid dalalka, Ireland Sweden, Finland, USA iyo Dalka Canada wada tashi dheer  oo ay beeshasi -yeesheen kadib, waxaa aay soo Sareen Baaq ka kooban Saddex qodob oo kala ah:- 

1-   Waxaa ay shegeen inay tanaasul sameeyeen Afrtii Sano ee La soo dhaafay  iyaga oo lagu qanciyay in ay haystaan madaxawyane deegaankooda ka soo jeeda.
.
2- Beeshu waxaa ay codsanaysaa in ay hesho xaqa ay ku leedahay  dowlad gobolleedka Galmudug.

3 -  Waa In la dhowraa   Beel waliba waxa aay xaaqa ay ledaahay. 
 
Ugu  danbayntiina Beeshuawaxay tacsi u diraysaa dadkii ku geeriyooday  Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay dad badan ku dhinteen,  Qaar kalena ay ku dhaawacmeen.
 
Beesha  Baaqani soo saartay ee deegaannadaa Galmudug ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay  saluug siyasadeed ka muujinayay arrimaha ka taagan Galmudug, waxaana ay  marar badan ku cel celiyeen inay helaan xaqa ay u leeyihiin inay  siyaasada doorkooda ay ka qaatan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]