4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2019
Dagaal culus oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose

 

Arbaco, July, 24, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaallo culus qeybo ka mid ah gobolka ku dhaxmareen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Sida Goobjoogayaal ku sugan gobolka Shabeellaha hoose warbaahinta u sheegeen xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar u qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Jaale ee dulleedka degmada Marka, waxaana halkaa ka qarxay dagaal leysku adeegsaday hub noocyadiisa kala duwan.

Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ayaa ku dagaalamay deegaan lagu magacaabo Ceel Saliini oo u dhow deeganka  lambar 50 ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay Al-shabaab weerar ku qadeen fariisimo ciidamada dowladda ay halkaa ku lahaayeen.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalladaa xalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, balse waxaa la rumeysan yahay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray labada dhinac.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah deegaannada ugu badan oo ay ka dhacaan dagaallada dhaxmara ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab oo iyagu maamula qeybo ka mid ah gobolka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]