4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2019
Shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug oo la shaaciyay xilliga la qabanayo

Talaado, July, 23, 2019 (HOL)-  Guddi ay dhowaan dowladda Federaalka u magacowday qaban qaabada shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa maanta soo bandhigay xilliga uu shirka furmayo iyo ergada ka qeybgalaysa.

Guddiga ayaa sheegay in shirka la qaban doono 5ta bisha Agoosto, 2019-ka ayna ka qeyb-galayaan 356 Ergo oo dhammaan matalaya Beelaha Galmudug.

Waxaa ay taageero waydiisteen guddiga dowladda federaalka iyo beesha caalamka oo furitaanka shirka lagu casuumay, iyada oo qoraal uu baahiyay guddiga lagu sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka inay diyaarisay dhammaan tas-hiilaadka shirweynaha iyo ergadu u baahanyihiin.

Hoos ka akhri warsaxaafadeed guddiga uu baahiyay;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]