4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2019
Kulan looga hadlay Qoontada Haweenka ee Golayaasha dowladda oo Muqdisho ka dhacay


Talaado, July, 23, 2019 (HOL)-Kulanka oo ay ka qeybgaleen xildhibaannada haweenka ah ee ku jira labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu baaqay in la ilaaliyo Qoontada Haweenka ee guud ahaanba Golayaasha dowladda.

Kulanka oo ay soo qaban-qaabisay hay'ad lagu magacaabo Baxnaanno ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa laga soo saaray War-murtiyaad  la xiriira ilaalinta ilaalita ka qeybgalka siyaasadda iyo Golayaasha Dowladda :

Wurtiyeedka ayaa u dhignaa siddan :

''Annagoo ah Xildhibaanada haweenka ah ee ku jira goloyaasha  baarlamanka Dowladda federaalka Soomaaliya sida Golaha shacabka iyo  aqalka sare ee dalka waxaan soo dhoweyneeynaa sida dowladdeenna uga  go’antahay illaalinta iyo dhaqan galinta kootada haweenka soomaaliyeed  ay ku leeyihiin matalaadda golayaasha ummadda soomaaliyeed

Waxaan sidoo kale Soojeedineynaa in haweynka soomaaliyeed lagu garabsiiyo sidii ay kaalin fir fir coon uga qaadan lahaayeen dhammaan dhinacyada Bulshada ama siyaasadda , sarana loo qaado kaalintooda matalaadda siysaadda

Waxaan ka marqaati ka ceynaa in haweenka soomaaliyeed ee siyaasadda ku jira kaalin wax ku ool ah ay ka qaateen geeddi socodka Siyaasadda Soomaaliya taas oo muujineeysa sida dumarka soomaaliyeed ay uga go’antahay horumarinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed

Innaga oo xasuusan kaalinta ay ka soo qaateen Haweenka Soomaaliyeed bad baadinta dalka iyo qoysaska soomaaliyeed intii dalka Bur burka ku jiray waxaan ku baaqeynaa :

1. In aan la’siyaasadeen Kootada haweenka Soomaaliyeed oo diyaar u ah in muruq iyo maskax ay ku bixiyaan dibu dhiska Dalka Soomaaliya

2. Waxaan ku baaqeeynaa in sare loo qaado kaalinta iyo Matalaadda haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dhammaan goloyaasha Dwoladda Federaalka Soomaaliyeed iyo maamul Goboleedyada

3. Waxan ku baaqeynaa in hormuud ay u noqdaan haweenka dadaalada hadda socda ee dalka looga gudbinayo marxaladda uu ku jiro

4. Waxaan ku baaqeeynaa dhismaha guddi haweyn ah oo ka shaqeeya sare u qaadista codka Haweenka Soomaaliyeed

BALLANQAAD:

1. Waxaan ballan qaadeynaa haddii aanahay haweynka ku jira goloyaasha Dowladda Federaalak Soomaaliya in aan hormuud ka noqonno dadaalada dibudhiska iyo dibu heshiisiinta ah ee dalka uu u baahan yahay

2. Waxaan ballan qaadeynaa in kaalin wax ku ool ah aan ka qaadano isla falgalka iyo wada shaqeynta hay’adaha dwoladda federaalak Soomaaliya

3. Waxaan ballan qaadeynaa in haweenka soomaliyeed aan gacan ku siinno sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen wacyigooda wax barasho iyo kan hogaamineed

4. Ugu dambeyn waxaa ka codsaneynaa Dhalinyarada , Siyaasiyiinta , odoyaasha dhaqanka, Culuma’udiinka , Ganacsatada iyo ururada bulshada Rayidka ah in ay gacan nagu siiyaan sidii gabadha soomaliyeed ay u qaadan lahayd kaalintooda ku aadan horumarinta bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]