4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2019
Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay in la baaro warbixin lagu daabacay wargeyska New York Times

Talaado, July, 23, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay muhiim tahay baaritaan lagu sameeyo waxa ka runta ah warbixin uu baahiyay wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Marekanka.

Wargeyska wuxuu warbixintiisa ku sheegay dowladda Qatar inay wax ka ogtahay weerar bishii May ka dhacay magaalada dekedda leh ee Boosaaso, iyada oo abaabulka weerarka lagu doonayay in looga hor istaago Imaaraadka Carab joogitaankooda Boosaaso.

Wargeyska The New York Times ayaa daabacay in ay dhagaysteen sheekadda dhex martay ganacsade Qatari ah iyo safiirka Qatar ee dalka Soomaaliya. Ganacsade u dhashay dalka Qatar oo saaxib dhow la ah Amiirka Qatar ayaa la dhagaystay taleefan uu kula hadlay safiirka Qatar ee dalka Soomaaliya, isagoo sheegaya weerar qarax ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso ay ka dambeeyeen maleeshiyaad fulinaya danaha Qatar ee ah in Imaaraadka uu ka cararo magaalada Boosaaso.

Ganacsadaha ayaa intaasi raaciyay in khalalaasaha uu ahaa mid loogu talogalay in dadka ka jooga Imaaraadka Carabta ay magaalada Boosaaso ka cararaan oo aysan dib dambe u cusbooneysiin qandaraasyada ay ku joogaan dekedda Boosaaso.

"Waxaan qirayaa inuu xaqiiqo yahay warka lagu daabacay New York Times ee looga hadlayay dilal iyo qaraxyo ka dhacay Boosaaso kuwaas oo la sheegay inay dowladdu nagu dul hardamayaan,..  golaha Shacabka iyo Aqalka sarre waxaan ka codsan inay baaritaan kusameeyaan arintaas." ayuu yiri madaxweyne Deni oo goor dhow hadalkan ka sheegay bandhigga carwada buugaagta ee Garoowe ka furmay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]