4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2019
Beesha caalamka oo boggaadisay shirka dib u heshiisiinta Galmudug


Talaado, July, 23, 2019 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa galinkii dambe ee Isniintii shalay guddoomiyay shir dhex maray Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo qaar kamid ah safiirrada Beesha caalamka u jooga Soomaaliya ee shalay Magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmdug, Prof. Cabdiraxmaan Baaddiyoow , oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay in  looga hadlay hannaanka ay u socdaan qorshaha dib-u-heshiisiinta ay wadaan.

Wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD, iyo safiirrada Midowga Yurub, Qatar, Turkiga, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya ee saldhiggoodu yahay Muqdisho ayaa Guddiga ku boggaadiyay dedaalka ballaaran ee ay ugu jireen isu keenidda reer Galmudug, si loogu diyaar garoobo dhismaha ay ku mudeysan yihiin reer Galmudug.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waqti dheer galisay xal u helida xaaladda Galmudug ,iyada oo muddo saddex toddobaad ku dhow uu ku suganyahay deegaannada Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Xasan Cali Khayre  oo wada-hadallo la yeelanaya mas'uuliyiinta maamulka, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha bulshada Galmudug.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]