4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 22, 2019
Boqollaal xujay ah oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho



Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Saddexdii maalin ee u dambeysay boqollaal xujay ah ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho,iyada oo kaliya maanta lix boqol oo xujey ah ay ka dhoofeen.

Mas'uuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegay inay awood buuxa u leeyihiin inay qaabilaan diyaaradaha kala duwan ee imaanaya Muqdisho, kuwaaso dalka ka daabulaya xujayda Soomaaliyeed.

"Xujayda Soomaaliyeed in iyaga oo ka ambabaxay dalkooda hooyo oona ku dhibaatoon meel kale , in toos ay uga baxaan Muqdisho labo saacna ay ku gaaraan Sacuudiga , waxaan u sameynay fududeynta xujayda." ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Salaad Oomaar.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay labo diyaaradood inay maanta kaliya ka daabuleen Muqdisho xujayda Soomaaliyeed, isagoo inta ku daray in muddo kooban dhammaan xujayda Soomaaliyeed ay ku gaari doonaan dalka Sacuudiga.

Ka sakow in la fududeeyay socdaalka ay xujayda u tagi jireen dalka Sacuudiga , sidoo kale dowladda waxay ballanqaaday inay la socon doonto adeegyada ay helayaan xujayda muddada ay ku jiraan gudashada acmaasha xajka.

Waxaa inta dheer in markii ugu horreysay ay xujayda ka qaadanayaan dalka ku galka Sacuudiga gudaha dalka, waxaana rajo wanagsan laga muujinaya duulimaadyada inay noqdaan Muqdisho iyo Madiina.

Balse, waxaa jira cabashooyin wali ka imaanaya xujayda oo la xiriira inay saacado badan ay dib u dhacaan duulimaadyada oo mararka qaar ay dhacayso muddo labo saac ah inay ku sugnaadaan gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]