Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed
Cabdi Waare ayaa maanta Magaalada Jowhar ka daah furay barnaamijka qololka
Isgaarsiinta ee Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta oo World Bank uu ka
hirgaliyay Xafiisyada Hirshabelle.
Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta oo ah mid ka
mid ah mashaariicda uu bankiga aduunku ka wado dalka, ayaa waxa uu kala
shaqeeyaa arrimaha Tecnolojiyada Wasaaradaha Boostada iyo isgaarsiinta Dowladda
Dhexe iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka, waxaana mashruucani uu yahay mid
dalka oo dhan laga hirgaliyay.
Munaasabadda Daahfurka oo ka dhacdey madaxtooyada
Hirshabelle ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda Dawladda
Hirshabelle oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Hirshabelle, Madaxweyne ku xigeenka
Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee
Baarlamanka Hirshabelle Cabdi Xuseen Geeddi, Xubna ka tirsan Labada Golle ee
Dowladda, Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, xubno ka tirsan labada gole ee
Dowladda Hirshabelle, Maareeyaha Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta iyo
Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan mashruuca. Waxaa sidoo kale shirka uga soo qeyb
galay qaab maqal iyo muuqaal ah (Online) Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku
sugnaa xafiiskiisa magaalada Beledweyne.
Maareeyaha mashruucani Cabdisalaan Shariif Xuseen
oo faah faahin ka bixiyay mashruuca ayaa u mahadceliyay madaxda Hirshabelle
sida quruxda badan ee ay u soo dhoweeyeen mashruuca islamarkaana kala
shaqeeyeen shaqalaaha shaqada qabtay, sidoo kale waxa uu u mahadceliyay
Wasiirka Wasaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Dawlada
Federaalka Soomaaliya, iyo madaxda Bankiga Aduunka oo kaalin weyn ka qaatay
brograme-kani.
Maareeyaha ayaa sheegey in Sharaf & Farxad
weyn ay u tahay Madaxweyne Waare in mashruucani laga hiragliyo Hirshabelle uu
daah furo iyadoo mashruucani markii ugu horeysay madax uu ka noqday Waare isaga
qudhiisana uu shaqada u qoray waxaana uu tilmaamay in uu rajeynayo wejiga 3aad
oo ku salaysan aragtidadi Strategic Diversification inu Soomaaliya & geeska
Afrikaba ka bilowdo Howshan oo muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya.
Wasiirka boostada isgaarsiinta iyo Tecnolojiyadda
Dowladda Hirshabelle Mudane C/Weli Sheekh Cali oo mashruucani Qolalka
Isgaarsiinta Casriga ah iyo qalabkooduba la wareegay ayaa ka mahadceliyay
fulinta mashruucani, waxaana uu sheegay ka wasaarad ahaan ay wadaan dadaalo la
xiriira horumarinta isgaariinta iyo ticnoolajiyada islamarkaana ay hadda ku
howlanyihiin tayeynta Enternetka xafiisyada Dowladda.
Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabelle Mudane Cali
Guudlaawe Xuseen oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa ku dheeraaday ka
sheekeynta ahmiyada mashruudani uu u leeyahay xafiisyada Dowladda oo koobaya
howlaha shaqo oo mararka qaar ay noqon jirtay in la isku safro
Madaxweynaha Dawladda Hirshabelle Maxamed Cabdi
Waare oo ahaa qofkii mashruucan ka bilaabay Soomaaliya ayaa ka warbixiyey
mashruuca iyo faa’idooyinkiisa waxa uuna uga mahad celiyey madaxda Mashruuca
sida wanaagsan ee ay u fuliyeen mashruuca, kadibna waxa uu xariga ka jaray
qolalka isgaarsiinta ee laga hirgeliyey Hirshabelle.
Gebo gabadii Munaasabadda ayaa waxa si toos ah la
isugu xirey Gobolka Hiiraan, xafiiska Baarlamanka Hirshabelle, iyo Madaxtooyada
oo dhamaan u wada hadlay qaab maqal iyo muuqaal.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]