4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 22, 2019
Wakiilada beesha caalamka oo gaaray Dhuusamareeb


Isniin, July, 22, 2019 (HOL)-  Wafuud ka socda wakiilada beesha caalamka iyo safiiradda dalalka dibadda u fadhiya caasimadda Muqdisho ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Wafuudda waxaa garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay, wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga xukuumadda federaalka iyo madaxa xukuumadda ee maamulka Galmudug.

Xubnaha wafdiga ayaa isugu jira wakiilka Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, dalalka Mareykanka, Qatar, Britain, Talyaaniga, Turkiga, Norway, Jermalka, Itoobiya, Jabuuti iyo waddamada kale.

Ujeeddada wafdiga ayaa lagu sheegay inay la xiriirto sidii ay ula kulmi lahaayeen ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo muddo saddex toddobaad ku dhow ku sugan deegaannada Galmudug, mas'uuliyiinta maamulka iyo qaybaha bulshada ee Galmudug.

Xubnahan ayaa sidoo kale la sheegay inay taageeri doonaan shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee la filayo dhowaan inuu ka furmo Dhuusamareeb iyo dadaallada ku aaddan dhismaha maamulka cusub ee dowlad-gobolleedka Galmudug.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan.com
[email protected]