4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 22, 2019
Guddiga xaaladaha deg dega ah ee dalka Ingiriiska oo ka shiraya Iiraan

Isniin, July, 22, 2019 (HOL)-  Ra'iisul wasaaraha dalka Ingiriiska, Theresa May  ayaa lagu wadaa inay maanta guddoomiso kullan ka dhan ah dowladda Iiraan oo ay yeelanayaan guddiga xaaladaha deg deg ah ee dalkaas.

Kullanka ayaa diiradda lagu saaraya markab Ingiriiska uu leeyahay oo ay Iiraan ku qabatay Gacanka Hurmuz,iyada oo ra'iisul wasaare Theresa May   ay warbixin ka dhageysan doonto saraakiisha iyo golaha wasiirrada si ay u gorfeeyaan sidii loo xoojin lahaa amniga marin biyoodka ay maraakiibta maraan.

Wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska, Jeremy Hunt ayaa lagu wadaa in xildhibaannada uu uga warbixiyo tallaabooyinka dowladda ay ku qaadeyso ee ku aadan markabka ay Iiraan ka qabsatay.

Markab ay Iiraan qabsatay ayaa waxaa lagu magacaaba Stena Impero, waxaana ka dul babanayay calanka Ingririiska inkasta oo laga leeyahay Sweden, waxaana saarnaa badmaaxiin u dhashay Hindiya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]