4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2019
Madaxweynaha Koonfurgalbeed iyo Safiirka Qadar oo ka wada-hadlay xoojinta taageerada


Axad, July, 21, 2019 (HOL)–  Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koofur galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa halay Xafiiskiisa Baydhabo ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayo safiirka Soomaaliya u jooga dowladda Qatar, Xasan Binu Xamza.

Wafdiga ka socday Qatar waxay booqasho ku mareen goobo ka mid ah magaalada Baydhabo iyo xarumo kale oo ay ka fulinayaan dhowaan mashaariic kala duwan, waxaana kamid ah Iskuul, Gegida Diyaaradaha ee Shaati-gaduud iyo Madaxtooyada maamulka Koofurgalbeed.

Dowladda Qadar iyo hay'adaha samafalka ee dalkaas ayaa mashaariic kala duwan ka wada Soomaaliya, iyagoo sidoo kale door wanaagsan ka qaatay Qalabeynta Ciidamada kala duwan ee dalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]