4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2019
Golaha Aqalka sare oo ka doodday hindise sharciyeedka xuquuqda siyaasiyiinta dowladda

Axad, July, 21, 2019 (HOL)–  Golaha Aqalka sare ayaa maanta akhrinta labaad mariyay hindise sharciyeedka xuquuqda Siyaasiyiinta dowladda.

Kullanka ahaa midkii 11aad ee kaldhigiisa 5 aad golaha aqalka sare, ayaa qeybtii hore waxaa guddoominayay guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi Cabdullaahi,waxaa kulanka soo xaadiray 30 Senotar , iyadoo ay mudanayaasha qaar fikirkooda ku aaddan akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka xuquuqda siyaasiyiinta dowladda halkaasi ka dhiibteen.

Gabagabada, kulanka ayaa waxaa soo xiray, guddomiye ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare Senator, Abshir Maxamad Axmad (Bukhaari) oo qeybti dambe ee kulanka shir guddominayay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]