4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2019
Dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye oo maanta la billaabay

Axad, July, 21, 2019 (HOL)–  Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa maanta billowday dhismaha waddada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dhimsha waddada ayaa waxaa maalgelinaya dowladda Qadar,iyada oo dadweynaha deegaanka iyo gaadiid layda ay soo dhaweeyaan tallaabada dib loogu dhisayo waddada oo muhiim u ah isku xirka caasimadda Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha hoose.

Waxaa la xiray saaka qeybo ka mid ah wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgooye iyadoo gaadiidka ay marayeen waddo wareeg ah. Gaadiidleyda ayaa soo dhoweeyay dhismaha wadadan oo la sugayay muddo dheer.

18kii bishii  Februay ee sanadkan ayaa dhismaha waddada waxaa dhagax dhiggay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo safdi ka socday dowladda Qadar oo ay wehliyeen madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur-galbeed ayaa dhagax dhigey dhismaha waddooyinkan inkasta oo tan iyo xilligaas aan la billaaban.

Mashruucan dhismayaasha waddooyinka Muqdisho iyo Afgooye iyo Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa ku baxaya $200 milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]