4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2019
Dowladda oo xirtay qaar ka mid ah jidadka soo gala magaalada Muqdisho

 

Axad, July, 21, 2019 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay qaar ka mid ah jidadka soo gala magaalada Muqdisho, gaar ahaan Wadada ka timaada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Hay’addaha dowladda u qaabilsan Nabad-galyada ayaa xalay ilaa saakay ku howlahaa dhiggista Dhagxaan waaweyn oo lagu gooyay Wadada Laamiga ee Ex Koontarool, lama oga sababta loo xiray Wadadaas oo muhiim u ah isku socodka Muqdisho illaa degmada Afgooye.

Gaadiidka ayaa la sheegay in ay ku kala wareegayana xaruntii hore ee ciidanka Asluubta ee ku dhow Ex Koontarool Afgooye.

Dadka ku sugan Xaafadaha dhaca dhanka duleedka koofureed ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in todobaadkii hore ay bilaabatay in la xiro waddooyinka mara xaafadaha ee loo yaqaano jid cadayaasha.

Waddada Ex-Koontrool Afgooye ayaa waxaa ay ka mid tahay wadooyinka ugu muhiimsan Magalada Muqdisho, iyada oo ay soo maraan gaadiid Khudaar iyo Caano ka keena Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana dowladda Soomaaliya ay xirtay wadooyin waaweyn oo ku yaalla Magalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]