4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2019
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo dowladda federaalka ku eedeyay inay cunaqabateyn ku heyso Soomaaliland



Sabti, July, 20, 2019 (HOL)-   Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee  Baarlamaanka oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa dowladda federaalka eedeyay.

Xildhibaannada oo deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyiga ayaa dowladda federaalka ku eedeyay wax ay ku sheegeen inay cunaqabateyn ku heyso shacabka deegaannada Soomaaliland.

Waxaa kalo xildhibaannada ay cambaareeyeen heshiis ay sheegeen dowladda federaalka inay la gashay Sacuudiga.

"Culeys gaar ah ayaa saarnaa Soomaaliland iyo ganacsatada gobollada waqooyiga  tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Farmaajo." ayuu yiri xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka mid ahaa xildhibaannada shirka jaraa'id ku qabtay Muqdisho.

Waxaa kalo uu inta ku daray in deegaannada Soomaaliland laga joojiyay hay'adihii gargaarka gaarsiin jiray.

Gabagabadii, xildhibaannada ayaa beeniyay hadalkii ra'iisul wasaare ku-xigeenka oo sheegay dowladda federaalka xiriir ay la sameysay Sacuudiga in lagu fasaxay markab xoolo sidey oo lagu xanibay Sacuudiga, waxaana ay sheegeen sii deynta markabka dowladda inaysan wax lug ah ku lahayn.

Xildhibaannada ayaa eedeyay dowladda federaalka xilli toddobaadkii hore uu madaxweyne Farmaajo magacaabay guddiga dhab u heshiisiinta iyo wada-hadallada ee dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]