4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2019
Axmed Madoobe: Maanta waxaan qaatay warqada diiwaangalinta musharraxnimo


Sabti, July, 20, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shaaca ka qaadday inuu qaatay warqada diiwaangalinta musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa iska diiwaangaliyay xarunta guddi uu horey u magacaabay ee doorashooyinka iyo xaduuddaha,isagoo marka  sheegay in uu maray hannaanka sharciga ah ee looga baahan yahay in ay maraan dadka u tartamaya xilka madaxweynaha.

"Awood dastuuri ah ayaan u leeyahay magacaabista guddiga doorashooyinka iyo xuduuddaha , aniga iyo musharrixiinta kale waan u simanahay , waxaana loo baahanyahay in dhammaanteen aan u hoggaansano."
ayuu yiri isagoo inta ku daray " Dhammaan xuquuqaha dastuuriga ah ee madaxweynaha wax gorgortan ah kama gali doono, sida ilaalinta nabadgalyadda iyo xasilloonida guud."

Madaxweynaha Jubbaland wuxuu sheegay inay muhiim tahay in dib loo eego halkii laga keenay Jubbaland oo si wadajir ah looga shaqeeyo jawi xasilloon inay ku dhacdo doorashada, waxaa uu marka ugu baaqay shacabka in ay nabadgalyadooda ilaashadan oo doorashooyinkooda ay qabsadaan isla markana aanay dib ugu noqon wixii lasoo maray.

Guddiga uu magacaabay madaxweynaha iyo hannaanka ay ku socoto doorashada waxaa horay u dhaliilay qaar ka mid ah musharrixiinta isu soo taagay xilka madaxweynaha dowlad-gobolleedyada Jubbaland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]