Madaxweyne Biixi oo sheegay in guddida Soomaaliya u magacowday wada hadalka aanu khuseyn
Sabti, July 20, 2019 (HOL) -Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in guddida uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu magacabay aanay iyaga khuseyn, sidaas darteed aanu farogalinayn arrimaha dhexdoodda ah.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in
madaxweyne Farmaajo mudadii uu xilka hayey uu dagaal dhaqaale ku soo qaaday,
taas oo uu ku tilmaamay mid cadaawad ah.
Sidaas waxa uu ka sheegay
casho-sharaf qasriga madaxtooyada uu xalay ugu sameeyey safiirro,
diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo qoraayo ka socda dalalka caalamka, kuwaas oo
dalka u jooga hawlo la xidhiidha ka qaybgalka carwada caalamiga ah ee Buugaagta
Hargeysa oo maalinta ka furmi doonna Somaliland.
Kulanka casho-sharafta ah ee uu
madaxweynuhu u sameeyey martida ka soo
qaybgashay bandhiga buugaagta Hargeysa waxa iyaguna hadalo ka soo jeediyey
aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac, safiirka midawga yurub Amb. Nicolás Berlanga Martínez.
Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu
ku dheeraaday faa’iidooyinka ay Somaliland ka hesho carwada Buugaagta Hargeysa
lagu soo bandhigo hibooyinka dhallinyarada iyo dhaqaranka Somaliland, isaga oo
hoosta ka xarriiqay in dhammaanba ka qayb-galayaasha carwada Buugaagta ee
Hargeysa ay yihiin saaxiibbo gaar ah oo ay Somaliland leedahay, islamarkaana
caalamka gaadhsiiyaan wanaagga iyo nabadda taalla Somaliland.
Madaxweyne Biixi oo guddidasi
wada hadalada uu u magacaabay madaxweynaha Soomaaliya waxa uu yidhi “Maalmahan waxa jira guddi laga magacaabay
dawladda Muqdisho oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, guddiga marka la
magacaabayo waxa ka horreeya ujeeddada loo magacaabay iyo hawsha loo dirayo,
hawsha guddidaas loo diray waa laba qodob, labadaas qodobna midna Somaliland ma
khuseeyo, mar haddaanay khusaynna Somaliland ahaan wixii gudahooda ah farogelin
maynno.”
Waxaanu intaas ku daray
“Tabashada cidda wax ka tabanaysa iyo walaalaha Somaliland ee la joogaa waa
inta isaga la joogta ee u shaqaysa, markaa hadday inta isaga u shaqaysaa wax ka
tabanayaan isagay u taallaa, laakiin Somaliland intii uu madaxweyne Farmaajo
xilka yimi waxa ay kala kulantay cadaawad aan hore loo arag 28-kii sanno, kala
bixii Somaliland iyo Soomaaliya,”
“Waxa kale oo deelqaaf ah oo aan
caqliga gelin guddi buu magacaabay oo uu yidhi Somaliland baannu doonaynaa
inaannu lasoo heshiinno, rag Somaliland u dhashay oo isaga la joogana wuu soo
magacaabay, taas macnaheeduna waa Somaliland aniga ayey ila joogtaa, hubaashuna
waa dadka kula joogaa waa dad Somaliland u dhashay, laakiin aan wadin
qaddiyaddii Somaliland iyo go’aankii Somaliland, mana dhici karto inay
Somaliland u hadlaan dad Farmaajo u shaqeeyaa, waxase u hadli doona dadkeeda
xilalkeeda haya ee ummaddani dooratay ama ay igmatay inay u hadlaan.”ayuu yidhi
Biixi.
Dhinaca kale, waxa uu
madaxweynuhu farriin u diray axsaabta mucaaridka, waxanu sheegay in muddo
gaaban ka hadhsan tahay wakhtigii doorashada loo iclaamiyey, waxaanu yidhi
“Saaxiibbayaal waqtigii doorashada bisha Augost (Siddeedaad) tobankeeda haddii
ay inaga gaadho sharcigu wuxuu dhigayaa in loo gudbiyo guurtida, caawana waxa
aynnu joognaa 20-kii Jully, waxa aynnu ku murmaynaanna waa laba halla kordhiyo
iyo yaan la kordhin. Saaxiibbaday waxan weydiinayaa ma waxa muhiim ah in
guddigga doorashada laba lagu daro mise in doorasho inoo dhacdo,Waxan leeyahay
laba halla kordhiyo oo imika sharcigeedii halla bilaabo macquul ma ahee
sharcigu sida uu yahay hadda aynnu ku galno, markay aynnu doorashada Baarlamaanka
dhammayno “
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.