4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2019
Puntland oo qaadacday magacaabidda guddiga wadahadallada Soomaaliland

Jimco, July, 19, 2019 (HOL)-Puntland ayaa goor dhow shaaca ka qaadday mowqifka uga aaddan guddi uu dhowaan magacaabay madaxweyne Farmaajo ee wada-hadallada Soomaaliland.

Warsaxaafadeed uu maamulku soo saaray ayaa lagu caddeeyay inay Puntland qaadacday magacaabidda guddiga.

“Puntland waxay caddaynaysaa in hannaanka loo maray magacaabista matalayaasha aysan waafaqsanayn Dastuurka kumeelgaarka ah, lana hareer maray qodobkiisa 53 aad farqadiisa 2aad.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Puntland ayaa sheegtay qadiyada wada-hadallada inay si gaar ah u taabanayso, lagama maarmana ay tahay inay door ku yeelato dadaallada wadahadallada.

“Puntland, waxay beesha caalamka iyo cid kasta oo daneynaysa arrimaha Soomaaliya , la socod siinaysa in guddiga la magacaabay ay caddeyn u tahay in aan la rabin xal wadahadal dhab ah, wixii ka yimaadana ay mas’uul ka tahay dowladda federaalka.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Wuxuu ku soo aaddaya hadalka Puntland xilli maalin ka hor uu madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo magacaabay guddiga dhab u heshiisiinta iyo wadahadallada ee dowladda federaalka iyo Soomaaliland.



Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]