4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2019
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxwayne Mustafe Cagjar oo gaaray Magaalada Bahirdhaar ee Degaanka Axmaarada

 

Jimco, July, 19, 2019 (HOL)- Wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar ayaa maanta gaadhay Magaalada Bahirdhaar ee Degaanka Axmaarada, Wafdiga Madaxwaynaha ayaa isugu jiray Odayaal dhaqameed, Ugaasyo iyo Wasiiro heer degaan ah.

Haddaba Wafdiga Madaxwaynaha ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Bahirdhaar, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha martida loo yahay ee Degaanka Axmaarada, iyadoo shacabka Axmaaraduna ay caleemo qoyan ku soo dhaweeyeen Wafdiga Madaxwayne Mustafe Cagjar.

Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Bahirdhaar waxaa uu ka qayb qaadan doonaa Xafladda qalin jabinta ardayda Jaamacadda Bahirdhaar. sidoo kale waxaa wafdiga Madaxwayne Mustafe Cagjar ka qayb qaadan doonaan kulan dhex maraya Soomaalida iyo Axmaarada, kulankaas oo ah sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Soomaalida iyo Axmaarada.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]