4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 19, 2019
Ciyaarahii Todabaadka Soomaalida Toronto iyo Kooxaha isku soo haray

Jimco, July, 19, 2019 (HOL)-Ciyaarahii Todaabdka Soomaalida ee Toronto ayaa wali si xiiso leh uga socdaa magaaladaas, iyadoo 14 kooxood ee ku tartamaayey ay shalay qaar ka mida ciyaareen wareegii labaad ee tartankaas.


Ururka horemarinta dhalinyarada ee TODAY oo qabanqaabada leh ayaa agaasinkoodu yahay mid si wayn ay u soo dhaweeyeen boqolaalka dadwaynaha ah ee maalin walba u soo daawasho taga garoonka ay ciyaarahu ka socdaan ee Centennial Park.


Shalay waxaa la ciyaaray ciyaaro aad u xiiso badan oo ahayd wareega sideeda kooxood waxaana iska hor yimi Kooxda Muqdisho FC  iyo Iftin oo Toronto ka dhisan waxayna ciyaarta waqtigii loogu talagalay ku idlaatay barbar dhac oo waxay isla dhaafi waayeen 2 iyo 2, kadibna waxaa rigorayaal guushu ku raacday kooxda Iftin.


Ciyaartii labaad ayaa dhexmartay Halgan MN iyo Kooxda Ottawa waxay  iyaduna sidoo kale ku idlaatay 3 iyo 3 kadibna waxaa Rigoorayashii loo dhigay xabad iska qasaariyey kooxdii Halgan MN, sidaa ayaa shalay waxaa semifanal ugu soo baxay kooxaha IFTIN & OTTAWA .


Waxaa galabta wada ciyaari doona kooxaha Hilaac Toronto iyo Tigers MN, ciyaarta labaad waxay dhex mari doontaa TC Stars iyo kooxda Hilltop UK ka socota .


Bari oo Sabti ah ayaa waxaa is  arki doona afarta kooxood ee semifanelka u soo gudubta oo ilaa hada la og yahay Iftin iyo Ottawa.


Maalinta Axada ah ayaa la sooagabgabeen doonaa iyadoo kooxaha shalay soo baxay ama kuwa galabta guulaysan doona ay mid uun koobkan la hoyn doonto.


Siyad Said Salah

Hiiraan Online

Toronto Canada

[email protected]