4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 19, 2019
Saraakiil ka tirsan Ururka Al-shabaab oo duqeyn lagu dilay

 

Jimco, July, 19, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ku duqeyn ku dileen saraakiil ka tirsan Ururka Al-shabaab deegaanka Kuunyo Baroow.

Dad ku sugan deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in duqeyntan lagu bartilmaameedsaday gaari ay la socdeen saraakiishan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in goobta ay ku dhinteen Afar xubnood oo ka tirsan Al-shabaab sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB kana howlgala gobolka Shabeellaha hoose.

Lama sheegin khasaare ka soo gaaaray duqeynta diyaaradaha dagaalka dadka rayidka ah eek u dhaqan goobta lagu bartilmaameedsaday gaari ay la socdeen xubnaha ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Maraykanka oo hore duqeyntan uga fulin jirtey deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]