4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2019
Musharixiin sheegay in doorashada Jubbaland ku qabsan doonaan haddii loo baahdo meel aan Kismaayo aheyn

 

Jimco, July, 19, 2019 (HOL)- Iyadoo dhawaan la filayo in Jubbaland ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha, ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya shaki musharixiinta qaarkood ka qabaan sida ay Kismaayo uga dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah.

Musharixiinta u taagan kursiga madaxtinimada Jubbaland ayaa shir jaraa'id waxaa ay ka sheegeen in doorashada lagu qaban doono meel ka baxsan magaalada Kismaayo "haddii maamulka uu xaqiijin waayo in ay dhacdo doorasho xaq iyo xalaal ah".

"Waxaan ognahay in baarlamaankii Jubbaland ee iman lahaa (la soo xuli lahaa) inuu liiskiisa sii qoranyahay, lana rabo in lagu dhowaaqa marka xilliga la gaaro, hab raaca been abuurka ah ee hadda la marayana waa waxbo kama jiraan iyo marin habaabin, wax la aqbali karana ma ahan," Ayuu shirka jaraa'id ka yiri Xildhibaan Cabdirishiid Xiddig oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Jubaland.

Waxa uu intaas ku daray "Haddii doorashada noqon weydo mid xaq iyo xalaal ah, musharixiinta waxaa ay xaq u leeyihiin in doorashada ay ku qabsadaan meel alle meeshii ay doonaan".

Haddaba Xuseen Axmed Geelle (Sandhool) oo falanqeeya Arrimaha siyaasadda ayaa isaga oo la hadlayay BBC-da waxaa wax laga weydiiyay bal halka ay ka dhici karto doorashada haddii lagu kalsoonaan waayo Kismaayo.

"Dadka musharixiinta iyo dad kale waxay u arkaan in lagu qaban karo gobolka Gedo ama Bu'aale oo aan weli ku jirin gacanta dowladda, balse waxaan u arkaa in meesha habboon ay tahay Kismaayo, halkaas oo ay dowladdii degentahay".

Sandhool ayaa sheegay in sharciyadda doorasho lagu qabto meel aan Kismaayo ahayn uu shaki weyn gali karo.

"Beesha caalamka oo dhan ayaa indhaha ku haya meeshan," ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray "in laga yaabo in sababta ay musharixiinta u dalbanayaan meel kale ay tahay in ay suuragal tahay in danahooda ka dhex arki waayeen sida wax u socdaan.

Wuxuu intaa ku daray in marka la eeggo doorashada Jubbaland aysan meesha ka marneyn kaalita dowladda federaalka, taasoo salka u heysa sida uu hadalka u dhigay is fahan-waagga u dhaxeeya labada dhinac.

Musharax Cabdirashiid Xidig ayaa dhankiisa sheegay in guddiga doorashadu doonayaan in maldahan ay wax u maamulaan, waxaana uu tusaale u soo qaatay in uusan jirin waqti go’an oo ay doorashada u qabteen.

‘’Waxaa ku qoran in la qabanayo inta u dhaxaysa 24-ta illaa 30-ka Agoosto, taas oo ay walaac ka muujiyeen musharixiinta; "Macnaheedu waxa ay tahay in musharixiinta oo magaalada iska jooga la yiraahdo doorashada waa la qabtay, taana ma suurtogalayso," ayuu yiri Cabdirishiid Xiddig.

Doorashada Jubbaland ayaa u muuqata mid ka saameyn badan guud ahaan marka la eego doorashooyinkii horey uga soo qabsoomay maamul gobolleedyada, waxaana isha si gaar ah loogu wada hayaa ugu danbeyntii halka ay ku soo dhamaan doonto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]