4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2019
Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo la dalacsiiyay


Jimco, July, 19, 2019 (HOL)- Ku simaha taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, S/gaas; Cabdi Xasan Maxamed, ayaa garraadda siiyay 83 xubnood oo isugu jira Dhaqaatiir iyo Kalkaaliyaal Caafimaad.

Dhaqaatiirta iyo Kalkaaliyeyaasha caafimaad ee la siiyay darajooyinka Sarkaalnimo ayaa waxay dhowaan kusoo biireen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidamada dhulka ee xoogga dalka, S/Guuto; Odowaa Yuusuf Raage ayaa u sheegay Dhaqaatiirta iyo Kalkaaliyaasha caafimaad in ay aqoontooda wax ugu qabtaan Ciidanka.

Ku-simaha Taliyaha ciidamada xoogga dalka ahna Taliye Ku xigeenka ciidamada S/gaas; Cabdi Xasan Maxamed, ayaa kula dardaarmay xubnaha darajada la siiyay in ay u diyaargaroobaan Shaqo adag maaddaama uu ciidamada xoogga dalku ku jiro dagaal.

Bishii December ee sanadkii Tagay ayey ahayd markii ugu horreysey ee ay si rasmi ah u shaqo billaabeen kooxdan ka kooban Dhaqaatiitar iyo Kalkaaliyaasha Caafimaadka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]