4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2019
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Markabkii xoolaha siday ee lagu xayiray Jidda

 

Jimco, July, 19, 2019 (HOL)- Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar oo markii ugu horeysay ka hadlay Markabka muranka badan dhaliyay ee ku xayirnaa Dekedda magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga ayaa sheegay in Markabkaasi hadda la fasaxay xoolahana laga dajinayo.

Markabkan oo ka shiraacday dekedda magaalada Bebera ee Somaliland oo sida ilaa Labaatan Kun oo Ari ah, ayaa ku xayirnaa dekedda magaalada Jidda laga soo bilaabo ilaa 11kii bishan July,

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in xiriirro badan oo ay sameeyeen ku ogadeen in Markabkan uusan sidan dukumiiniyadii looga baahnaa islamarkaana uusan buuxin sharuudihii ku xirnaa heshiisyadii ay horay u wada galeen labada dowladood Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Balse wuxuu sheegay in dadaal dheer oo ay sameysay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu guuleystay in lagu qanciyo Boqortooyada Sacuudiga in ay fasaxaan Markabka lagana dajiyo xoolaha saaran.

‘’Waa Alle Mahadii waxaan idin cadeynayaa in hadda la bilaabay in Markabka laga dajiyo xoolaha saaran, waxaana naloo sheegay in dhakhatiir la saaray dusha Markabka si ay u hubiyaan caafimaadka xoolaha ayuu yiri’’ ra’iisal wasaare ku-xigeenka.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa intaa ku daray in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si gaar ah uga howlgalay arinta Markabkan isaga oo sheegay in marnaba ganacsiga uusan qeyb ka noqon karin arrimaha kale ee siyaasadeed ee labada dhinac isku hayaan.

Somaliland ayaa siweyn uga carrootay xayiraada la saaray xoolaha ay u dhoofiso dalka Sacuudiga, iyadoo ku eedeysay dowladda Soomaaliya in ay arintan mas’uul ka tahay.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]