4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2019
Kheyre '' Leyskuma hayo in ay Dhuusa-Mareeb tahay xarunta dowlad gobolleedka Galmudug, laakiin waxaa leysu hayaa malaga..

 

Khamiis, July, 18, 2019 (HOL)-Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in uusan muran ka jirin in Dhuusa-Mareeb tahay xarunta dowlad gobolleedka Galmudug, laakiin waxa leysku tahay tahay sidii looga shaqeysiin lahaa.

“Waxaa leydiinka baahan yahay maadaama aad idinka tihiin dadka fidinaya gogosha in aad dadka  soo dhoweysaan, waxaa la rabaa qof walba oo dhib sheegta inaad  guryahooda ugu tagtaan, oo degmadooda aad ugu tagtaan oo aad ugu  qancisaan tanaasulna u muujisaan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo  hadalkiisa u muuqday mid dareensan caqabadaha soo wajahay dadaalada dib  loogu dhisayo Galmudug oo mideysan.

“La iskuma heysto in Dhuusamareeb ay tahay magaalo madaxda Galmudug, waxaa la isku heystaa malaga shaqeyn siin karaa, taasaa idinka la idinka rabaa, dad soomaaliyeed oo walaalihiina mustaqbalkooda uu ku xiran yahay idinka sida wax u ogolaatiin,  idinka sida isugu tanaasushiin”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Hadalka Ra'iisal wasaraha ayaa imanaya xili gadood badan uu ka jiro habka uu ra'iisal wasaaruhu u maamulayo dhismaha Galmudug oo ay qoonsadeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka degmooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo oo sheegay in ra'iisal wasaaruhu  ka baxay ballaamo ay horay ula galleen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]