4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2019
Qarax ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay degmada Dhuusa-Mareeb

 

Axad, July, 14, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay degmada Dhuusa-Mareeb kaddib markii qof soo xirtay walxaha qarxa uu isku qarxiyay goob maqaaxi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya qaraxa uu ku dhintay qofkii Ismiidaamiyaha ayaa sidoo kalana ay ku dhaawacmeen ilaa Shan ruux, kale, inkastoo laga yaabo in khasaaraha uu sababay qaraxu intaa ka badan karo.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qofka qaraxan geystay  uu muddo fadhiyay  maqaayad yar oo ku dhow Xarunta INJI oo uu ka howlgalo Madaxa Xukuumadda  Sheekh Maxamed Shaakir.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Dhuusa-mareeb ku sugnaa wafdi uu  hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana maalintii  shalay gaaray magaaladaas wafdi ka socday dowladda Qatar.

Bishii hore ayeey aheyd markii degmada Guri-ceel lagu qabtay qof doonayay in uu isku qarxiyo goob ay ka soctay munaasabad ay ku sugnaayeen madaxda ugu sareysa maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]